Jennifer
Waa
Sheeko, waxaana tarjuntay: Ikraam
Cali-kaar
Horudhac:
Jennifer, inkastoo aheyd gabar ku
kortay nolol adag oo saboolnimo ah hadana waxey laheyd hadaf ay u
aragto iney ku gaari karto Mustaqabalkeeda. Taasoo ah iney mar qura
noqoto ”Khalanjo” jisha aflaanta.
Daruufaha jira waxey kaa xayiraan
hami kasta oo kugu jira. Horeyna Soomaali baa u tiri ”Laabtu been bey
kuu sheegta Adimadana run e” Jennifer, nolosha adag ee ay ku jirtay
waxaa mar qura ilowsiiyey barashadii ay bartay wiil uu dhalay mid
kamid ah maaqalabaneeda magaalada ee Matthew la oran jiray, kaasoo
ahaa wiil uu yaraantooda xirriir dhexmaray. Inkastoo ay aheyd gabar
aan garaadkeeda ku filneyn marka la eego d’da ay ku jirtay hadana
waxey daneyneysay barashadiisa iyadoo xirriirkasi u arakeysay mid ay
kaga badbaadi kartay sbaoolnimada heysa. Dhabtise iyadoon gaarin bey
mar qura kamid noqtay xiddigaha jilayaasha Aflaamka Mareykanka ee
Hollywood-ka sidey doontaba ha ku timaade.
Waase magaallo ceynkee ah
Hollywood-ka ay dhex joogto? Dabcan waa magaalo ay ku idil yihiin
awood, iyo dumarka oo aan sidaas qiimo loo siin ayey misna keligeed ka
noqotay xiddig ka dhex iftiintay.
Dhabtuse waxey tahay sheekadanu inoo sheegeysa, in joogista Jennifer
ee Hollywood aaney aheyn oo keliya ka sal gaarista riyadeediiye, balse
ay dooneysay iney ilowdo wiilkii iyadoon garaadsan cashar been ah u
akhriyey aakhirkiina kaga tagay meel cidla ah.!!
Akhriste sheekadani waa sheeko dhab
ahaan u dhacday, ayana qortay qoraaggii caanka aheyd ee reer Mareykan
Lisa Gregory, waxaana hubaal ah inaad kaga boggan doontaan akhrinteeda.
Waa sheeko ay ku idil yihiin, hilow caashaq wata xannuun iyo xasuus
aan dhamaan.
Sheekadani haddii Alla idmo waxey bishiiba mar ku soo bixi doonta
Bogga farshaxanka weyn ee Soomaaliyeed Amiin Caamir Cabdalla “Amin
Arts.com”.
Qeybtii 1aad
Magaaladda Sweet River, waxey dhinac cirifka kaga heysaa degmada Ozark
Mountains ee gobolka Arkansas. Dhulku waa geedo tirro badan oo aad ku
wareereysid marka aad dhexmareyso mararka qaarna waad cabsaneysaa
marka laga gaaro habeenkii. Inkastoo ay magaaladda bilicsamideeda ku
soo jiidaneyso hadana waad dareemeysa iney tahay magaallo saboolnimo
la ciireysa.
Dadka ku dhaqan magaalada gebi
ahaantood waa ”Isma dhaanto iyo dhasheed” Dhinac kalese hadaad ka
eegto waxey lamid tahay magaalooyinka kale ee dadka ku nool laga
helayo dabaqado kala sareysa.
Qoyska reer Taylor waxey daganaayeen
meel 5 mayl u jirta magaalada, gaar ahaan barta lugu magacaabo Haskell
Ridge. Angie Taylor oo ah Jennifer hooyadeed waxey degmada caan kaga
aheyd howl karnimo iyo shaqo joogto ah. Hase ahaatee sannad ka hor bey
geeriyootay. Waxeyse habartu meesha kaga tagay odey aad qamriga ugu
waalan oo aan xilkas aheyn Jennifer oo gabar yar ah iyo wiil aan wax
sidaas ah ka weyneyn.
Odeygu markii islaantiisa
geeriyootay wuxuu halkiisi kasii waday balwada iyo cabista qamriga.
Wuxuuna ku sifoobay qeyrul mas’uul aan carruurtii rajada aheyd
daryeelin.
Isagoo qamri ka dheregsan buu dhex
socdaa barafka iyo qabowga jira. Dhiigasa waa uu kacsan yahay,
dareemiyo dabeysha qabow ee barafku wato. Waxaa hortiisa ka muuqata
geeridii xaaskiisa iyo meesha adag ee ay kaga tagtay. Gabadhiisi uu
dhalay iskuma wanaagsana in meel cidlo ah taagan tahay bey dareensan
tahay cid u maqan ma jirto, waxey ku qasban tahay iney nolosha adag
qaabkasta ay usoo wajahdo iney iska celiso.
Waxaa uu kayimid qabrigii
Islaantiisi u soo ubaxyo dhigayey. Qabowga jira baa soo ceyriyey
maahee waa iska jeclaan lahaa inuu joogo muddo dheer.
Jennifer waxaa u dheer naxariis
darrada ay ku qabto aabaheed. Walaalkeedii Corry, durba waxaa loo
qaatay ciidan oo tababar ayuu aaday, haddii uu isaga kala badbaadin
lahaa odeygan lac laca ah iyo gabdhiisa ma ahan mid daruufta u
saamaxeysa waxa uu doonayo ee uu ciidanka iskugu qoray baa ka weyn.
Jennifer waxey aheyd gabar aad u da’
yar Illaaheyna qurux ku maneystay, dhankastood ka eegtaa ku arkimeysid
wax indhahaaga ay diidaan, waa halkii Salaad (Darbi) ka yari ”cad xun
ku arkimeysid”.
Da’deedna waa 15 jir aan weli dhameyn dugsigii sare. Indho buluug ah
oo misna cad cad bey leedahay, timo dheer oo seyn fardooley lugu
tilmaamana waxey daadsanaayeen dhabarka dushiisa. Dhererka iyo qaab
dhismeedka jirkeeda wey isku dheeli tiran yihiin. Ninkii arkaana inuu
jeesto ku soo dhicimeyso.
Weligeed iskuma dayin iney u labisato wax soo jiidan karra indhaha
ragga damaca badan, hadey xitaa sidaas yeeli laheyd awooda dhaqaale
ayaan u saamaxeyn. Boorsada yarta ah ee gacanta ku wadato kuma jiraan
waxyaabaha ay dumarka isku turukeeyaan, haddiise lagamaar maan
noqotana waxaa laga helayaa oo keliya indho-kuul iyo xamuuradda (rooseeto)
faruuryaha lamarsado.
Iskoolka ay dhigato inkastoo
wiilasha dhigta ay qaarkood hadal hayaan quruxda qeyral caadiga ah ee
ay leedahay hadana weligeed mid kamid ah dibanaheed uma furin hadal ay
lahadashana warkeed daa.
Hase ahaatee waxaa ay isku aragta ineysan quruxsaneyn, dadkoo dhami ay
soo wada eegayan. Waxey nacday nafteedii, qaab dhismeedka jirtkeeda
iyo magaalada ummada ku nool…. Habeenada qaar iyadoo is ciil
kaambiyeysa ayey seexataa, waxeyse ku riyootaa iyadoo kamid ah
khalanjooyinka Hollywood-ka oo ay weligeeed jaceleyd iney kamid noqoto
iyadoo faraxsana wey soo kacdaa.
Byers cafe waxa uu ku yaal bartamaha
magaalada Sweet River, waxaana uu kasoo horjeeda maxkamada sare
degmada. Subixii hore inteysan gelin iskuulkii ayey soo aadaa
maqaayada si u sii shaqeyso , galabkiina markey soo laabato waxey ku
noqotaa shaqada oo sagaalka fiidnimo ay kasoo saartaa biilkeeda.
Shaqadan waxaa siiyey Mrs: White iyo Mary Jim oo labaduba deris la ah
Jennifer, waxeyna aad u yaqaaneen hooyadeed. Waxeyna jeclaayen iney
had iyo jeer kaalmeeyaan maadama aaney qabin ehel ay ku tiirsan tahay
oo wax tara.
Maanta gelinka hore ma aysan laheyn Jennifer wax iskool ah inkastoo ay
jecleyd iney kanasato shaqadan dhibka badan hadana waxey ogtahay
ineysan ka nabadgaleyn aabihii aalkolistaha ahaa guriga u fadhiyey.
Sidaas aawadeed dantaa biday iney maqaayadii aado oo dhowrkoo
saacadood kasoo shaqeyso. Markey soo gashay shaqada baa loo sheegay in
maanta howsha ay ka badan tahay intii hore, islamarkaasina ay
imanayaan marti aan inta badan iman. Waxaa loo tilmaamay oo la yiri
soo tir tir miiska loogu talagalay (Martida culus). Inkastoo dadka
macaamisha ah ee maqaayada yimaada ay ogyihiin in maalqabeenka
magaalada iyo asxaabtiisa ay fariistaan. Hadana waxey ku sii qurux
badnaan laheyd in miisku ay ku qornaato “reserbo” malaha wey fahmid
laheyd martidani waxey tahay.
Sam Ferris waxa uu yahay maal
qabeenka Sweet River, magaalada barkeed dukaamanka ku taal sida
bakgiyada qaar,farmishiyaha iyo rugta buugaga isagaa leh, wuxuuse ka
kireeyey dowlada, halkaasi daqli xoog leh baa kasoo galla. Xitaa
maqaayadan xun ee ay joogto Jennifer isagaa lahaa, balse waa iska
iibshay.
Odeyga Sam Ferris iyo xeyn asxaabtiisa ayaa durba soo galay maqaayadii,
waxana markiiba badalmay jawigii meesha. Waxaad isleedahay tallow ma
madaxweyne baa meesha yimid, kani ma ahan nin caadi ahee sida loo soo
dhaweynayo iyo sida hadaladiisa u socdaan intaba. Qadar yar kadib
odeygii iyo kooxdii la socoday ayaa salka ku hubsaday kuraastii loogu
talagalay. Sida caadada ahna marka ay yimaadan macaamil maqaayad laga
cunteeyo waxaa waajib ah in lasoo dhaweeyo lana weydiiyo waxey rabaan
qabow iyo kuleyl sidaas aawadeed bey Mary Jim ugu timid martidii
iyadoo weydiineysa dalabkooda wuxuu yahay.
Jennifer oo tan iyo markii saakeydii
hore lugu wargeliyey in marti dheeraad ahi imaneyso ayaan marna salka
dhulka dhigin, wixii loo dirina si deg deg ah bey ku keentaa. Iyadoo
meelaha car careysa bey odeyga xantiisa maqashay durba fiiris bey ugu
dhaqaaqday dhagtana u dhigtay cida uu hadal hayo. Odeygi maahan mid
caadi ah waa nin dumarka fiir fiirsha oo midduu u arko iney soo
jiidasho leedahay ku fekero sidduu ku heli lahaa. Waxaan naag aheyn
shaqo kama dhigto. Lacag buu leeyahay midduu heli karana iyadoo faraqa
lacag ugu buuxdo ayey ka tagtaa. Waxey layaaban tahay cimriga uu ku
jiro iyo sida uu howl adduun naag uga dhigtay. “Sidan buu aragaaga u
yaalaaye maxaad naag ka qaadi kartaa” Intey iskula hadashay bey ka
dhaqaaqday sey maantoo dhan u dhageysaneysay xantiisa.
Maqaayadu maanta waxey u muuqataa
mid nasiib leh oo mar qura wada kulmisay odeyaal caan ka ah gobolka.
Waxaa kamid ah Steven Richard, oo ah gudoomiyaha Bankiga, Johnny
Schubert oo isagana ah maamulaha iskoolka.
Intey odeyada sugayeen dalabkooda
ayaa waxa irida kasoo galay nin kamid ah askarta Shirifowga ee Sweet
River.
Markuu askariga soo galay baa
odeyadii isla wada qeyliyeen” Wooww! Sxb soo dhawoow maxaad cuneysaa”?
Mahadsanidiin, iminka ayaan soo cunay cunto waxaanse codsanayaa caffe
aan cabo!.
Intuu sidaasi leeyahay waxey indhuhiisu ku meereysanayaa maqaayada wax
jooga ileyn waa “askari iyo axwaalkiise”
Cambaar hadduu dadka fiir fiirnayey,
ayey goor dambe indhihuusu waxey la lacaaeen Jennifer oo miis meelaha
yaala tir tireysa dhidid iyo daalna meelaha mar mar la dhakaneysa. Waa
miskiin saakeydii hore soo kalahday rabtana iney saacado shaqeyso si
qutulyowmkeeda iyo tasiilaadka iskoolka u hesho. Askarigu waa shaxaari
aan laftiisa yareyne, markey indhihuusu qabteen buu yiri “Tanni ma
cirkey katimid adduunkan ma bajoogtee”
Marku sidaasi isagoon is ogeyn dhahaya ayaa odayadii agtiisa fadhiyey
maqaleen oo yiraahdeen waa tee midaad leedahay adduunka ma joogto.
Indho taag baa kasoo haray sadexdii
odey, waxey indhahoodu ka libiqsan waayeen lugaheedii ka muuqaty
goonadii gaabneyd markuu u sheegay askriga qofta uu sheegao. Odey
Faris waxaaba kasoo haray indho taag, cuntadii uu cuni lahaa intuu
afka leyrinayey bey dhex ku qaboobeen.
Askariga laftiisa deymadii weli kama dhamaan, intey isweydiinayeen
reeraha dhalay gabadhan indho deeraleyda ah, ayaa waxaa meel aan dhowr
tilaabo maqaayda uga dheereyn baaburka soo dhigtay Matthew oo ah Odey
Faaris wiilkiisa.
Matthew waa wiil laftiisa ka
tilmaaman iskoolka iyo guud ahaan xaafada. Ma ahan mid sag saaga
daruusta iskoolka dhamaan maadooyinka waxa uu ka heystaa darajo sare.
Aabihii aad buu ugu kalsoon yahay wiilkiisa. Ileyn ninka ka
warbixinaya heerkiisa waxbarasho waa maamulaha Iskoolka ay odeyga isla
fadhiyaan oo ay isla qadeynayan maanta e.
Askarigii baa ku qeyliyey wiilkaagii
baa halkan soo socda.
”Matthew! ”intuu yiri odeyga ayuu eegay halkii looga tilmaamay
wiilkiisa. Waxa uu is weydiiyey waxa wiilkiisa halkan ka sameynayo ee
aanu u joogin iskoolka.
Wiilka isagoo sita dharkii iskoolka
iyo kuwii loogu talagay inuu ku ciyaaro Ciyaarka kubada cagta ee
”American Fotball”. Ayaa odeygii u gacanta haatiyey wiilka isagoo
awalba usoo socday dhankooda.
”Waad salaaman tihiin”, ayuu yiri intuu kursi agtiisa yiilay soo
laacay.
Markii la is salaamay ayuu u sheegay
aabihiis inuu halkan u yimid inuu odeyga weydiisto lacag uu kusoo
iibsado tikidhada ciyaar lugu wado iney dhacdo. Durbadiiba odeyga
wixii jeebkiisa ku jiray bu gacanta ka saaray wiilkiisa. isaguna
maaheyn mid xiiso u qaba inuu sii dhex fadhiyo odeyaashan wareersan.
Intuu fadhigii ka kacay oo albaabka xagiisa aaday buu yiri ”waa inoo
goor dambe iyo caawa aabbo ee nabadeey!”
Jennifer waxey qadar daqiiqado ka hor ah ogaatay in maanta ciyaar
jirto oo Iskoolkoodu la ciyaarayo dugsi kale, sidaas bey uga qaadatay
Mary Jim.
Wax yar kadib iyadoo aad moodo iney wiilka lasocotay imaatinkiisa iyo
bixistiisa ayey iskaga horyimaadeen albaabka maqaayda iyadoo raba iney
baxdo.
Aragtidiisa kuma cusba Jennifer,
waxey aheyd sanadkii hore markey jeclaatay Matthew balse kuma dhici
karrin iney u sheegato waxa ay dareemeyso.Jabkeeda waa qarsaneysay
saaxiib ay la sheekeysatana oo sirta ku qarsato maba laheyn. Sababtoo
ah waa iyadoo kasoo jeeda qosy dan yar. Dadka danta yar ee saboolka
ahana waa la yasaa.
Intuu albaabka u qabtay ayuu ku yiri
”Ma iskoolkaad u socotaa aan horey kugu sii tuuree banaanka waa qabow
darane?” Isma laheyn ninkan baa maalin gaarigiisa raaci doontaa, waxey
la aheyd sheekadan riyo aysan weligeed ku riyoon iney ku riyooneysana
aan hubin.
Intey korantadii ka tagay bey garan weysay waxey ku hadasho. Ninku
qabow buu sheegaye iyada kuleyl aan lagaraneyn baa durba qabtay. ”Haa
mahadsanid” intey tiri ayey kortay xagga hore ee gaarigii ninkey
adduunka ugu jecleyd Matthew!
La soco cadadka dambe insha Allaah!
FG: Xaquuqda sheekadan tarjuman wey dhowran tahay.!
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,
Sweden
ikraam@journalist.com
Qeybta
1
2