Barni Seed Warfaa aqalkoodu waa ka tuulada oo dhan ugu sumcad
xun. Waxaa jirta sumcadxumo la galabsado, tanise waa mid lagu
heshiiyey. Waxaa lagu heshiiyey aqalkaas iyo qoyska ku nool in
lagu tilmaamo kuwo sumcad xun. Waxaa la yidhaahdaa: “Waxaa ka
soo ura saamo iyo subag gorayo.” Waxaa kale oo la yidhaahdaa:
“Waxay cunaan oon aan aadamiga kale cunin.” Waxaa kale oo la
yidhaahdaa: “Aqalkaas haddii la baadho waxaa laga helayaa
ceebo aan caqligu rumaysan karin.”
Waa mutul yara weyn oo saddex qol u kala
xidhan. Daaradda ciidda ah waxaa ku wareegsan ood badankeedu
baxday oo dhir noqotay. Farasmagaalaha tuulada ayuu bari kaga
soo jeedaa, haddii albaabku furan yahayna waxaa la arkaa ilaa
dalqada.
Isaga oo ah aqalka tuulada ugu sumcad liita
haddana goor iyo ayaan ragga oo dhami xaggiisa ayey wada
eegaan. Waa la isla og yahay maalin walba meelo kadinka ku
qumman in ogaan loo fadhiisto, laakiin danta halkaa loo
fadhiisto la islama qiro. Qoyska deggan qof aan ahayn oo
weligii aqalkaas foodda geliyey lama sheegin, haddana eegmada
lagama daayo.
Waa tuulo yar oo gabbalku mar wada dhaco
waaguna mar u wada beryo. Qof waliba waxa uu ku seexdo iyo wax
uu ku soo tooso waa laga wada war hayaa. Waa dad yar oo iswada
yaqaan, laakiin qoyska Seed Warfaa waa ka keliya ee aan la
ogayn waxa uu ku seexdo kuna soo tooso. Waa qoyska keliya ee
aan la malayn karin waxa calooshiisa ku jira.
Barni Seed Warfaa maanta waa siddeed iyo
toban jir. Nafle la qurux ah gabay waa lagu sheegay laakiin
dunida laguma arag lagumana maqal. Iyada oo aad u yar ayaa
xaqiiqadaas la wada qiray. Sagaal jir bay ahayd maalintii ay
gole rag waaweyni fadhiyaan hor martay, dabadeed nin raggii ka
mid ah afkiisa laga maqlay: “Furuq ku dil, maxay qurux la soo
kacaysaa!” Waa la wada qoslay, waayo hadalku kama duwanayn mid
lagu yidhi ceesaan ama sabeen. Ma aha ammaan loo quudho qoyska
sumcadda xun. Quruxda iyo wanaagga kale ee Barni Seed waxaa
loo arkaa wax ku khasaaroobay meel qaldan, sida roob beer
looga baahnaa oo bad ku da’ay. Hayeeshee weedhaas habaarka iyo
ammaanta isugu dhafan ayaa noqotay halhays muuqa Barni Seed ku
lammaan. “Furuq ku dil, qurux badanaa!”
Ragga inta ay halkaa yuurursadaan sidii
xoolo horan xagga mutulka indhaha u wada jeediya, waxaa ku
jira Warsame Geeddi oo ah sagaal iyo toban jir isaga iyo
qoyskoodaba la qaddariyo. Jacaylka ay isaga iyo Barni Seed isu
qabaan cidna kama qarsoona, waxaase loo arkaa jacayl xaaraan
ah oo aan bannaanayn ama habboonayn. Haddii uu jacaylku yahay
wax Ilaahay dadka qalbiga ugu rido, ka Barni Seed dadka ugama
duwana cudur sheydaan qalbi miskiin ku tuuray. Haddii ay
quruxda iyo wanaaggu ka mid yihiin shuruudaha jacaylku ka
beermo, iyada teeda isla marka la qirsan yahay ayaa la
inkirsan yahay. Waxaa loo arkaa qurux iyo wanaag aan la mid
ahayn ka dabiiciga ah ee dadka lagu jeclaado, sida ka lagu
tilmaamo noolaha kale iyo walxaha aan noolayn.
Warsame Geeddi iyo Barni Seed waxay
garaadsadeen iyaga oo isjecel. Midkoodna ma garan karo
dareenka wanaagsan ee uu ka kale u hayaa goortii iyo sidii uu
ugu bilawday. Laakiin maraggaa soo-jireenka ahi markii ay
weynaadeen garta waxba ugama tarin. Haddii awel jacaylkooda la
moodayey carruurnimo, maanta waa lala xisaabtamayaa oo waxaa
laga sugayaa in ay dhawraan xeerarka adag ee dhaqanka. Warsame
markii uu ku baraarugay qosolka quudhsiga leh ee qayrkii ayuu
ku qancay ceebta iyo magacxumadu in ay u jiraan inta ay Barni
Seed u jirto. Haddiise uu ku guulaystey in uu jidhkiisa iyo
keeda kala fogeeyo, weligii kuma guulaysan in uu naftiisa ka
fogeeyo. Run ahaantii naftiisu teeda ayeyba ka mid tahay.
Barni aabbeed Seed Warfaa waa shan iyo
afartan jir laf iyo xoog loo dhammeeyey. Wuxuu caan ku yahay,
oo muddo dheer degmada oo dhan u haystey, legdanka, orodka iyo
toogashada. Taa ka sokow keligii ayaa tuulada u qaabbilsan
xirfadda kabotolista. Waa nin furfuran oo bulshay ah.
Dadka cayda iyo cadaadiska badan la kulma
qaarkood waa ay jabaan oo waxaa ku dhaca cuqdad iyo daciifnimo
nafsadeed, gunnimada ayeyna qaayibaan. Qaarkoodna waa ay ku
dhismaan oo waxay ka qaadaan adayg. Seed Warfaa wuxuu ahaa
noocan dambe. Subaxdii uu tallaabo qaaday ilaa maanta naftiisa
waxaa lala dhacayey nabarro aan tudhid lahayn oo qof jilicsani
ku daadduumi lahaa, isagase waxay ka dhigtay birlab aan wax
karayaa jirin. Ninka erey qalloocan ku yidhaahda toban erey oo
qallooca kala daran ayuu ku gaggabiyaa, ninka mar hoos u
eegana toban jeer ayuu hoos u eegaa. Nin waliba isaga oo og in
aanu Seed Warfaa si kale u liicin karin ayuu haybtiisa iin uga
dhigaa. Intaas ayaa lagu mintidaa oo la iskaga celiyaa.
Goor walba dadka uu u shaqaynayo iyo qaar
kale oo u soo sheeko iyo xifaale toontay ayaa agtiisa dhooban.
Waqtigana mar walaba weerar iyo weerarcelis laguma dilo ee in
badan waxaa laga dhegaystaa sheekooyin waayo’aragnimada ka soo
burqada. Wuxuu jecel yahay in uu ka sheekeeyo xasuuso farxad
iyo xanuunba leh oo ugaadhsi ku saabsan. Tusaale ahaan afkiisa
lagama jeesto marka uu ka sheekaynayo “Guuldarradii labada
goodir”. Mar iyo laba in ka badan ayuu taas ka sheekeeyey
waayo naftiisa ayuu ugu tacsiyeeyaa. Wuxuu u bilaabaa sidan:
“Afadu waa fool, afar toddoba jirku ugu
weyn yahayna way ag yaxoobaan. Waa abaar ba’an, wax afka la
geliyana lama hayo. Wax beerkiisa bahal calaaliyo waxaa ii
daaqa qaalin weyd ah oo aan ilmaha xamaamada ugu qaado. Ma
isaga ayaad u qashaa? Maya ee caawa qadoodi ku seexi, berrina
qoriga xun ee Ustarka ah ee ay xabbada keli ahi ku hadhay
kaynta kula jarmaad. Haa, waxaa ku hadhay xabbad aan ku
ilaalinayo, waayo bundukh aan rasaas lahayni dogob xaabo ah
kama duwana oo dhenged baa lagaaga furan karaa. Dhulku ma
ugaadh badna dadaalkase laguma qado.
Salaaddii hore intii aan nin iyo geed la
kala garan ayaan qaalinkii heeryo fudud iyo laba yeelood
garbaha u saaray lana dhaqaaqay. Laantii ay dabayli ruxdaba
waxaan dhaayaha la raaco, dhawaaqii baxaba dhegta u dhigo,
dhulkana raadba ka uu ka dambeeyo dul joogsado, goor ay tahay
maalinweyn waa kuwan laba goodir oo geed wada daaqayaa. Rag
waa damaaciye, waxaan qoondaystay labadaba in aan xabbadda ku
wada dilo. Way dhacdaa oo horeba laba saryan baan toogasho
keliya ku wada diley. Weliba goodirku sida biciidka uma
feejigna. Sidii baan yeelay oo inta aan u dhowaadey suryo ay
isku beegan yihiin ka wada shiishay. Baw! Mise wallaahay
labadiiba way isaga baxday!
Markiiba kii soke inta uu qalabarogtey ayuu
geesaha barkaday. Kii kalese inta uu wareeray oo marba dhan
isu qaaday ayuu markii uu i arkay dhanka kale u booday. Degdeg
ayaan kii dhulka yaalley gawrac ugu jiidey oo kii kale ka daba
orday. Meeshu waa xas jiq ah. Markii aan bidhaantiisa waayeyna
raadkii ayaan cagta saaray. Shaki kama qabo xabbaddu in ay
saableyda ka ruubatay. Cawska iyo laamaha uu jiidhayo dhiig
ayuu ku duugayaa. Ma foga; ma foga goorta aad isaga oo itaal u
run sheegay oo hortaada yaal arki doontaa, ayaan ku
niyadsamahay.
Wax aan ordo oo raadka eryadaba, guushii
aan gacanta la tiigsanayey mar keliya ayey guuldarro noqotay.
Gelin dhan baa ordayaa, qorraxdii galab ayey u hoobatay,
dabadeed harraad iyo daal ayaan la dirgan waayey. Dani waxay
tidhi dib isaga noqo oo kii kuu dillaa habeenka ka gaadh.
Gabbaldhac baan aniga oo geeri iyo nolol u dhexeeya bartii uu
goodirku ii yaalley ku soo baxay. Mise meeshuba meeshii ma
aha! Siigada duulaysa iyo dagaalka ka socda waxaad mooddaa
goob lama qabiilo oo doqommo ahi isku galeen. Dhirta geed
walba waxaa saaran tobannaan gorgor oo qaarkood bilaabay in ay
dheelmadaan. Halkii aan goodirka kaga tegey waxaa filiqsan
lafo habaas leh oo ay dhawr tuke sii feenanayaan. Waar illayn
ciil iyo caloolxumo uma dhimatid!...”
Seed Warfaa isaga oo afar iyo labaatan jir
ah markii uu guurdoon noqday hablaha degaanka oo dhan saddex
keliya ayuu kala doorasho u lahaa. Boqollaalka kale iyo isagu
waxay kala ahaayeen sida geela iyo idaha. Ha yeeshee
doorashadii saddexda ku koobnayd ayuu Alle u barakeeyey. Wuxuu
calfaday Dhudi oo uu ku badhaadhay, taas oo maanta u haysa lix
carruur ah oo caafimaadkoodu taam yahay.
Seed Warfaa mood iyo nool weligii wax aan
muruqiisa iyo maskaxdiisa ka soo shiilmin ma dhadhamin mana
yeelan. Ooridiisa iyo ubadkiisu afarta xilli ee sannadkaba iyo
goor walba waxaa ka muuqda daryeel iyo dufan. Isla markaas
aqallo badan oo sharaf loo hayo habeenno badan dab lagama
shido.
Waxaa u dareerta xayn yar oo adhi ah, wuuse
og yahay si walba in uu uga nolol wanaagsan yahay qoysas kadin
geel ah iyo tirooyin adhi ah dareersada. Muddadiiba mar buu
qorigiisa Ustarka ah qaataa oo kaynta ka soo dishaa goodir,
ama biciid, dibtaag ama cawl, amaba gorayo. Marnaba ubadkiisa
oon dux leh uma waayo. Subagga gorayada ee urtiisa qoyska lagu
yaso, Seed Warfaa wuxuu hubaa in ay tahay dawada ugu waxtarsan
ee ubadkiisa cudurrada ka difaacda. Duumo, qaaxo, xiiqdheer,
hargab iyo aafooyinka la midka ah ee ay carruurta tuuladu goor
walba u daadato, qaarna u dhintaan, cudurradaasi isaga
minankiisa ma soo galaan. Kaneecadu carruurtiisa in ay
qaniinto iska daaye korkoodaba kuma joogsato.
Dadka beesha waxa kab maas ah cagta ugu
jirta intooda badani waxay ka soo baxeen labada gacmood ee
Seed Warfaa iyo inamadiisa uu ka ugu weyni gugan labaatan
jirsadey. Kabatolennimadu ma aha xirfad uu dhaqaale kala soo
baxo oo keliya, mana aha dhaqan awoow oo uu sii waday oo
keliya, waxayse u tahay farshaxan iyo fannaannimo ay naftiisu
caashaqday oo ku raaxaysato. Marka uu saan weyn oo agtiisa
duuban marba sar uu calaamadiyey mindiil af badan kaga soo
jeexo, uu sii jaangooyo una egaysiiyo raad qof, uu mid kale
iyo mid saddexaad sidii si la mid ah u qaabeeyo dushana iskaga
wada nabo, uu kabatoli iyo suun dhuuban qaato oo saddexdii
sarood tolan ku wareejiyo, uu suuman yara balballaadhan
sarihii uu isku dhisay dusha kaga xidho musbaarrana ugu qodbo,
uu cidhib iyaduna dhawr sarood ah gunta dambe kaga fadhiisiyo,
uu suundambeed gadaal kaga wareejiyo, uu sidii ilmo uu dhalay
cabbaar marba dhaban ka daawado, uu Aji cagaag dilooday cagaha
ugu jufo, farxadda iyo liibaanta uu ka helo ma jiraan wax kale
oo uu ka helaa. Run ahaantii markaas lacagta uskagga leh ee
loo soo taago kama fekero.
*
Waa duhur kulul oo ay qorraxdu iyada oo
qaawan cirka badhtankiisa dangiigto. Geedku waa jinaw weyn oo
cufan caleentuna aad u hadoodishay. Hooskiisa waxaa hadhac
qabow ka sii dhigay ciidda rayska ah. Waa ciid ay roobab
isdabajoog ahi nadiifiyeen. Barni Seed jirridda ayey dhabarka
ku tiirisay, labada lugoodna rayska qabow ku kala bixisay.
Geedka xiga waxaa hoganaysa xayntoodii. Dhabta waxaa u saaran
duub maydhax ah oo ay xadhig ka soohayso. Cod ay raalli ka
tahay ayey ku qaadaysaa heeso cayaareed cusub oo degmada laga
tiriyey. Heesaha ay qaadayso iyo maydhaxda ay soohayso midna
kuma baraarugsana oo waxay ku maqan tahay duni kale. Laba
dareen oo cadaw isu ah ayaa nafteeda ku legdamaya. Wejigeeda
ayuu dagaalkaasi ka muuqdaa. Mar way muunsoonaysaa marna
qamuunyoonaysaa. Dhalanteed ay dhex mushaaxaysey waxaa ka
dhabqiyey sagaal jir geedka gadaal ka soo galay.
– Ayaanle, waad naga nixisaye waa la isa soo muujiyaa.
– Adigu fulaysanidee maxaad ka baqaysaa?
– Ma waxaad ka timid tuulada?
– Haa.
– Yaa joogey?
– Dadkii joogi jirey.
– Makhaayaddii Guure ma tagtay
– Haa.
– Yaa joogey?
– Dee dadkii joogi jirey. Yaa kale ee joogi lahaa?
– Odaygii Xaaji Aadan ma joogey?
– Haa, wuu joogey.
– Cartan-Dheere ma joogey?
– Haa.
– Yaa kale ee joogey? Warsame Geeddi ma joogey?
– Haa, isaguna wuu joogey.
Laydh farxadeed baa martay. Intaas baa
deeqday. Magacyada kale oo dhami waxay ahaayeen raadgadasho ee
ka u dambeeya ayey u dan lahayd, Warsame Geeddi. Waa ay
aamustay oo inta ay inankii la fadhiyey illawdey mar kale riyo
macaan dib u gashay. Dhibic weyn oo biyo ah oo geedka ka soo
dhacday ayey dhabanka iska tirtay, yarkuna wuxuu mooday in ay
ooyayso oo illin iska bi’inayso. Wuu eegayaa dareenkeedana
fahmayaa. Marar badan buu maqlay dadka oo iyada iyo Warsame
hadal haya. Marar badan buu maqlay rag Warsame kula kaftamaya:
“Barni haddii Alle kuu geeyo, iska ilaali boqnaheeda iyo
baabbacooyinkeedu in ay ku taabtaan!” Hadalkaasi isaga
qudhiisa ayuu saamayn daran ku yeeshay oo taabashada ilmo Seed
Warfaa wuu iska ilaaliyaa.
Mar keliya ayey qoftii isbeddeshay. Muddo
ayey dhaqaaq oo dhan joojisay oo dhulka horteeda ah ku
dhaygagtay. Haddana isaga oo yarku arkaya ayey duushay oo
dabayl noqotay. Wuu waayey. Meeday? Halkii ay fadhiday waa
cidla bannaan! Qoftii ma jin bay noqotay mise xanfalay baa
qaadday?!
Yarkii waxaa ku dhacay argaggax. Wuxuu
damcay in uu cararo oo beesha u qayliyo. Laakiin haddana waa
tan halkeedii fadhida. Sidii buu dareenka wejigeedu liibaan
iyo murugo isugu milan yahay.
Barni Seed way og tahay jacaylka ay Warsame
Geeddi u qabtaa in uu yahay mustaxiil. Waxay jeceshahay ilaa
heerka nolosha iyo dhimashada, haddana ugama duwana iyada oo
jeclaatay wax aan jirin. Waa ay diiddan tahay oo ka niyadxun
tahay xukunka iyada oo aan dhalan la saaray.
Warsame Geeddi isagu caashaqa uu Barni Seed
u qabo cid kale iska daaye naftiisa uma qirsana. Wuxuu isu
arkaa nin shil ku dhacay. Dadka kale qudhoodu dhab ugalama
hadlaan. In qoyska sumcadda xun la jeclaadaa wax dhab loo
qaadan karo loogana hadli karo ma aha. Yarka waxaa kaftan lagu
yidhaahdaa: ”Barni Seed haddii Alle kuu geeyo, iska ilaali
calaacalaheeda iyo boqnaheedu in ay ku taabtaan, haddii kale
weligaa fakhri iyo cirirnimo ka bixi maysid.” Haa, sidaas ayaa
la wada rumaysan yahay, isaguna rumaysan yahay. In uuse boqno
iyo baabbacooyin iska ilaaliyo wuxuu ka door bidayaa in aan
sideedaba Alle u geyn. Fakhriga iyo cirirnimada looga digayo
waxaa kala weyn sharaftiisa iyo sharafta tolka.
Sidaas oo ay tahay, jacaylka daran ee
naftiisa buuxdhaafay dartii maskaxdiisa waxaa joogto ugu soo
dhaca feker uu ka acuudu billaysto. Wuxuu ka fekeraa isaga oo
guursadey Barni Seed, dabadeed carruurtiisa abtiyadood noqdeen
kabatoleyaal. Markaas inta uu yaxyax la dhidido ayuu
qosolgariiraa oo sheydaanka iska naara. Sababtaas ayuu
dareenka naftiisa ugu garaabi la yahay. Sababtaas ayuu Barni
uga garaabi la yahay. Tallaabo taariikhda iyo dhaqanka
degaanka ku cusub oo ay Barni Seed ku dhiirratey isaga ayey
hiil uga weydey. Dharaar cad inta ay isa soo hor taagtey ayey
ku tidhi: “Waan og ahay inta aan ku jecel ahay in la’eg in aad
i jeceshahay. Haddaba maynu danteenna garanno oo isguursanno?”
Isaguna inta uu si yasid leh u dhugtay oo muunsooday ayuu
iyada oo halkii taagan ka dhaqaaqay. Run ahaantii wuu ogaa in
uu dadnimadiisa iyo dookhiisa yasayo. Wuu hubey dunida qof
Barni Seed kala weyn oo uu ka jecel yahay in aanay jirin.
Iyaduse habeenkii xigay oo dhan waa ay ooyaysey. Waxay la
ooyaysey murugo iyo ciil isku jira. "Furuq ku dil, qurux
badnaydee!"
*
Goortu waa casar dheere aad u kulul oo
dunidu inta ay dhalaashay isu rogtay dhaandabaggaalle. Waxaa
la maqlay mashxarad dheer, haddana dhawr xabbadood baa cirka
loo riday. Dabadeed aqalkii reer Seed waxaa ka soo baxay nin
doob ah oo aan tuulada laga aqoon. Waxaa ka soo daba baxday
Barni oo dhar cusub gashan. Waa ay ooyaysaa. Kor iyo hoosba
waa ay u ooyaysaa. Caloosha iyo indhahaba waa ay ka ooyaysaa.
Ilaa saaka aqalkooda ayey ka dhex barooranaysey, imikase
baroortii waa ay ka daashey oo waxaa ku hadhay hiinraag iyo
illin dhabannada qulqulaysa. Tallaabada dirqi ayey ku
qaadaysaa. Waaba la riixayaa. Dad door ah baa cabbaar sii
gelbiyey. Dadka sagootiyey waxaa ku jira Ayaanle. Qunyar
qunyar ayey tuulada uga durugtay. Waxay ku baxday xoog iyo
xanuun la mid ah ka ay naftu jidhka kaga baxdo. Ninku wuu ka
horreeyaa oo isagana waxaa gelbinaya laba nin oo kale.
Markii laga soo wada hadhay tuulada laguma
soo noqon ee waxaa la istubay debedda. Waxaa la sii eegay
labadoodii oo bari qumman afka ku sii haya. Ninka waxay ka
dambaysaa dhawr tallaabo, mana wada hadlayaan. Ugu dambayn
waxaa la sii arkayey iyaga oo bankii kululaa ku fogaaday, oo
dhex galay dhaandabaggaalle, una egaaday laba laamood oo
dhaadheer. Waxay noqdeen laba malluugood, dabadeed waa ay
libdheen. “Furuq ku dil, qurux badnaydee!”
Degdeg ayey qorraxdii u dhacday, waxaana
soo weydaaratay dhaxan daran oo aan mid la mid ah hore loo
arag. Waa la wada qadhqadhay. Qof waliba inta uu gadhka iyo
lawyada isgeliyey oo huga isku duubay ayuu keligii meel
yaxoobsaday. Sidii loo dhammaa waa la aamusay. Shib. Qof mid
kale la hadlayaa ma jiro. Qof waliba mugdiga ayuu ku dhaygagay.
Qof walba waxaad mooddaa qallad aan wax ka qabasho lahayni in
ay ku gooniyaysatey. Haddana qalladda dhacday waxa ay tahay
iyo sida ay tahay la islama qeexi karo. Ma in Barni Seed la
guursaday oo dhul kale lala aaday baa? Maya, maya, caqligal ma
aha. Maxaan caqligal ahayn? Ma in aanay dhicin, mise in ay
masiibo tahay? Maxaan dhicin, maxaase masiibo ah? Weydiimaha
caloosha wareegayaa afka kama soo baxaan. Waxba la islama
qirsana ee qof walba isaga ayey u gaar tahay, sidii uu
jacaylkeedu qof walba gaarka ugu ahaa. “Furuq ku dil, qurux
badnaydee!”
Dad badan baa isku raacay habeenkaasi in
aanu dhaxan badnayn oo keliya ee xataa hebeennada kale ka
dheeraa. Sida uu waagu u soo raagey waxaaba la moodey in aan
qorrax dambe soo bixi doonin. Wadaadka masjidku maalintaas
eedaankii salaadda makhrib iyo kii cishe labadaba wuu illaawey.
Maalmo ka dib waaba la isku khilaafay labadaa salaadood in la
tukadey iyo in kale. Galabtaas kulul naftii sida xoogga leh
tuulada uga baxday dib uma ay soo noqon; naf baxday ma soo
noqoto. Farxad, kaftan iyo qosol maalintaas baa tuulada ugu
dambeysey. Indhihii badnaa ee aqalka sumcadda xun eegi jirey
maalintaas baa meel ay wadajir u eegaan ugu dambeysey. “Furuq
ku dil, qurux badnaydee!”
Guri haddii aan lagu noolayn wuu cimri
degdegaa oo dhakhso u daataa. Mutulkii reer Seed Warfaa iyo
cariishkii kabaha lagu toli jirey beryahan waxay u eg yihiin
hambo duni la rogey ka soo hadhay. Doog baa ka baxay, waxaana
gala bisadaha iyo bahalaha hoose. Waxaa laga hayaa oo keliya
laba xasuusoos: shakhsiyaddii adkayd ee Seed Warfaa iyo
quruxdii inantiisa.
Sidii Barni Seed loo guursadey dhulkii ay
ku dhalatay kuma ay soo noqon. Waxaan jirin sabab ku soo
celisa, waayo reer Seed oo dhami iyada ayey sannad keliya ka
dambeeyeen oo way ka daba hayaameen. Odaygii iyo islaantii
iyada ayey dhulka cusub la degeen. Halkaas ayuu Seed Warfaa ka
sii waday xirfaddii uu jeclaa. Wuxuuse ka niyadxun yahay
raggii uu dhalay oo diiday in ay la shaqeeyaan. Saddexdiiba
waxay noqdeen askar. Umadduna beryahan hadhuubraac ayey
baratay oo kabaha loo tolo waxay ka jeceshahay kuwa loo soo
dhoofiyo. Sidaas darteed shaqadiisa maanta nafci badan kuma
qabo. Labadii hablood ee Barni ka yaryaraa qudhoodu waxay
galeen magaalo, waxa ay halkaa ku qabaanna Allaa og.
*
Dharaartii ay tuulada naftu ka baxday waxaa
laga joogaa laba iyo toban sano. Ayaanle wuxuu baabuur kaga
degey tuulo aanu u socon hayeeshee safarku la maray. Wuu sii
qorshaystay in uu ku dego, wuxuuna sidaa xalwad iyo nacnac.
Waa galab. Albaab loox ah oo ay saboolnimo ka muuqato ayuu
garaacay. Waxaa ka furtay cunug qiyaastii kow iyo toban jir ah
oo aad u qurux badan, aad u faraxsan, hayeeshee arradan. Waxay
ku dhex jirtaa kurdad duug ah oo faraqyo leh. Wuxuu weydiiyey
magaceeda, waxayna ugu sheegtay Ladan. “Furuq ku dil, maxay
qurux la soo kacaysaa!”
Ayaanle gudaha waxaa ku qaabbishay haweeney
iyaduna sida yarta u qurux badan una arradan. Waa Barni Seed
oo shan dhal ah. Yartii albaaka furtay ayaa curad u ah.
Carruurtii iyo dhawr kale oo deriska ahi
markiiba waxay ku degeen xalwaddii iyo nacnacii. Qayladoodu
waxay aad u dhabqinaysaa sheekada Ayaanle iyo Barni. Markii ay
lahayd: “Kaalaya abtigiin salaama”, dheg uma ay jalaqsiin.
Wuxuu isweydiiyey sababta ay abti ugu sheegtay, ee ay tusaale
ahaan adeer ugu sheegi weyday. Malaha mar haddii ay isku
degaan ahaayeen waxay ka soo qaadday walaalkeed oo kale.
Malaha dadka ninkeeda la degaanka ah ayey carruurta ugu
sheegtaa adeer iyo eeddo.
Goor dambe oo ay godolkii hore ee
iswaraysiga kala maaleen, iyada oo ay indhuhu ilmo godladeen
waxay tidhi:
– Waxaan maqlay Warsame Geeddi weli ma guursan?
– Haa, weli ma guursan.
– Waxaan maqlay waxaa diidday ina Xaaji Aadan?
– Haa, labada tii yarayd.
– Taas aniga ayaa kun goor ka qurux badnaa kana karti badnaa.
– Haa, waa la wada ogaa in aad ka qurux badnayd si walbana uga
dadnimo sarraysey.
– Laakiin waa ay iga nasabsanayd.
– Ma rumaysni in ay laba qof dhalashada ku kala nasabsan
yihiin. Qof waliba waa waxa uu yahay qof ahaan iyo waxa uu
kasbado.
– Waan ku fahmayaa waayo mutacallin baad noqotay, waxaase jira
dhaqan adag.
– Waa dhaqan abaadey oo aan maskax iyo akhlaaq ku dhisnayn.
Cabbaar ayey kala aamuseen oo midba
xasuusta dhan u daaqgeeyey. Wuu hubaa in ay ka fekerayso
Warsame Geeddi, iyo waayo waayo. Isaguna wuxuu ka fekerayaa
nacasnimada dhaqankii uu ku garaadsaday, iyo dulmigii reer
Seed Warfaa lagu hayey, iyo jacaylkii Barni Seed ee maadda
laga dhigtay, iyo sidii uu isaga ilaalin jirey taabashada
boqnaha iyo baabbacooyinka reer Seed Warfaa. Qudhiisu tuuladii
waxba iyada kagama dambayn oo waxaa la geeyey magaalo iyo
waxbarasho. Markii uu qaangaadhey ayuu ogaadey waxaasi in uu
ahaa dhaqan liita. Gabadhii ugu horraysey ee uu beelaha la
haybsooco ka bartay ayuu ogaan boqnaheeda iyo
baabbacooyinkeeda u taabtay si uu isaga daweeyo cudurkii iyo
cuqdaddii isaga oo yar la geliyey. Booqashadan qudheedu waxay
qayb ka tahay dadaal uu denbidhaaf ku raadinayo.
Goor dambe ayey maskaxda dib u soo
dheelmiyeen, iyada ayaana tidhi:
– Weligii wuxuu ii jeclaa sida aan jeclaa
si la’eg, sababtaas baan uga samri la ahay. Waxaan rajaynayaa
guur la’aantiisu in aanay nabsi ahayn.
– Isaga oo ku jecel haddii uu ku guursan waayey waa u
doqonnimo.
– Qudhiisa dhaqanka ayaa dabray.
– Haddii uu geesi yahay dhaqan gaboobay uma dabranaadeen.
Waa ay ooydey ilaa wejigeedu dhidid iyo
illin la qoyey. Isaguna wuxuu ugu celceliyey ereyo garwaaqsi
iyo calool adaygsiin leh. Wax badan ayey iska waraysteen, gaar
ahaan tuuladoodii, wax badan ayuuna uga warramay. Wuxuuse ka
qariyey Warsame Geeddi in uu bukaan noqday. Haa, uma uu
sheegin sidii iyada loo guursadey ninkaasi in uu noqday qof
maahsan oo aan la garanayn xiskiisu in uu dhan yahay iyo in uu
dhiman yahay. Mooyi sababta uu taas uga qariyey. Malaha wuxuu
diiddanaa sawirka ay xasuusta ka daawanayso in uu ka jeexjeexo.
Markii uu Barni ka soo baxay Ayaanle aqalka
hortiisa wuxuu ku sii maray yaryarkeedii iyo kuwo kale oo wada
ciyaaraya. Wuxuu ka fekeray aayahooda iyo dhaqankoodu in uu ka
duwanaan doono kii ay Barni Seed iyo Warsame Geeddi ku dhex
barbaareen, jawaabse uma helin. Socdaalkiisii ayuu sii watay
isaga oo leh: “Furuq ku dil, qurux badnaydee!”
Ibraahin Yuusuf Axmed
Ibraahinhawd@hotmail.com